Gabaygan Dardaaran waxaa tiriyay khadar kayse kadib markuu ogaaday in la aasaasay Sivo Development
Dardaaran
Duligiyo dhibkii aan mariyo
Diifti naga gaadhay
Dibindaabyadiisii
ma hadhin
Daalinkii tegaye
Aqlada dalooliyo darbiga
Dumay dhamaantiiba
Ee aan dushii sare lahayn
Dayaxu kuu muuqdo
Daaqadaha xafiisyada ka maqan
Daaha lagu ooday
Dariiqyada burburay een lahayn
Daamurkiyo
laydhka
Biriishyada(bridge) daldalan ee
Daadku wada qaaday
Dumarkiyo caruuraha dayacan
Ee daryeel
sugaya
Dib markaan u eegay indhuhu
Oohin da’ayaane
Dhambaal Daahir shalay soodiroon
Daalacdaa
jire e
Dib in loo dhisaabuu raba degeladeeniiye
Waxaa uu dalbanayaana waa
Doollarkii lacageede
Waloow
ay duruufiyo jiraan
Dano idiin gaari
Dakhlibaydin soo gala intaa
Duunyo farawayne
Duhurkiyo habeenkii
cuntada
Dalabka yaacaaya
Iyo jaadkan aad diirataaan
Waa diciifnimo e
Danyartiyo agoomaha bal daya
Dibadda
heehaabi
Arin iga dardaarana ayaa
caawa ii darane
Inkastooydun daariyo taxdeen
Dabaqyo
waawaynba
Kol haddii ay dawyadu xunyiin
Waa dabaalnime e
Haddii aad is diidsiinaysaan
Digasho
weeyaane
Ma dafiro dalkiisana ninkii
Dux iyo iimaanli
Diintuu ku faanaa markale
Daayin abidkiiye
Waxba
yuu hadalku ila sii durkine
Waxaan ku soo duubay
Danwadaag samaystiyo dalado
Aan daalin abidkoodba
Oo horumar doondoonayiyo
Daacadiyo khayrka
Dar illaahay kii ula baxaa
Deeqda noocaniya
Magiciisa
oo lagu daaraa
Kii u soo diriray
Iyo duulaan kuwii goortayihiin
Dibinta ruugaayey
Ee damacu kii
u nabaday
Dacarta leefsiiyey
Dabkuu shiday ragii
Dalaq yidhee
Dooxay nacabkeena
Oo buugaagta
lagu daabacaa
Darajo weyaane
Nin damiirle uunbaa damqada
Doorkan maanta ahe
Deeyn iyo kol aad
soo dirtaan
Dahabka xaaskiina
Ka digiigixoodoo marqudha
Degelka xiiseeya
Dikrigiyo quraankaba
intaa
Waan dudubinaaye
Allahayoow ducaan kaa dalbaday
Doorkan maanta ahe
Doodiyo illaahow dagaal
Wuu
na daashadaye
Duco qabe aan kursiga duudsiyayn
Noogu deeq adigu
allaahayoow mid aan nagu durdurin
Noogu
deeq adigu
Allaahayoow dulqaad badanihii aan nadagin
Dabina noo qoolin
Sharciguna dabraayoo najecel
Noogu
deeq adigu
Umadani dabayl raacdayee
Diiday xayihiiba
Iyo dhaqanka doorsoomayee intaa
Gaalo daba
jooga
Rabiyoow adaa daayinee
Soo dabaal adigu
Xishoodkii la duudsiyey alloow
Soo dabaal adigu Dalxiiskiyo
barwaaqadii alloow
Soo dabaal adigu
Ducfigiyo illaahow naga dawee
Gaajadiyo diifta
Allahayoow
darmaan curataye
Deeqsii umadoodhan
Angana kuwii daajiyey
Deeqdo nagayeel
Aaaaaaaaaaamiiiiiin
Aaaaaaaaaaaamiiiiiin
Khadar Kayse Maxamuud
Ottawa, Canada
Khadar68@hotmail.com
|
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
Gabaygan waxay walaalyihiin gabayga dardaaran waxaana triryay Khadar kayse
Dad wixii dhagaystee Dhabaalkii la soo diray
Uu ka dhaadhacaayiyo
Intii dhiigleheey kacoo Dhuuxa waanadaydoo Dhab u fiirsha waayahaa Maxaa dhiman dalkeenii Oon weli dhamays
noqon Dadku dhawrayaan weli? Kuwa aan dhawaaqiyo Dhiilada u dirayoow Dhagax aan la mariniyo Maydinkaa
dhagoolaa? Manigaa dhurmaayoo Dhado mooday rooboo Dhaankii u soo raray?
Aduunyadu dhamaanteed
Waxaan dheeh ka saarayn Dhib wixii na soo maray Ee dhabar adaygiyo Lagu dhaafay dhiirani Maantana dhamaatoo
Nacabkiina dhaansaday Dhabarkaan ka jabinee Intii geesi dhimatiyo Inta dhaawac joogtee Dhiban waynu aragnoo
Dhamaan waan la soconaa Waxa dheeman yaaliyo Gaastaynu dhuranoo Dhayda aynu maale
Ninka dhoofku maqanoow Dhismihii
dalkeenaa Haatan loo dhaqaaqo Dhakhso loo hirgeliyee Dhexda ood u xidhatood Waxaad hayso dhiibtiyo Aduu kaa
dhul-sugayaa
Aduunyadu dhamanteed Dhab waxay u aragtaa Siduu noogu dheeryahay Dhulka aynu leeniyo
Calankaynu dhidibnoo Dhalinyariyo waayeel Qofkastoo ku dhaataa Dhiigiisa siiyee Shay aan dhacayniyo Ninkii
dheel u haystoow Xaajadii dhabweeyoo Dhayahaad ku aragtee Aynu dheefta maalee
Ninka dhoofku maqanoow Dhismihii
dalkeenaa Haatan loo dhaqaaqo Dhakhso loo hirgeliyee Dhexda ood u xidhatood Waxaad hayso dhiibtiyo Aduu kaa
dhul-sugayaa
Khadar Kayse Maxamuud Ottawa, Canada
|
 |
 |
 |
|
|
 |
|
|