Somaliland International Volunteer Organisation (SIVO)
Kadib markuu (27/10/05 Khamiis) Mudane Madaxweyne
Daahir Riyaal uu ka cadeeyay BBcda laanta afsoomaliga in uusan wax awooda u hayn isaga iyo dowladiisu toona inay dhisaan wadooyinka
hargeysa uuna ka codsaday dadka dibada ku nool inay soo dhisaan oo ay dalkooda soo caawiyaan waliba maamushaan arrintaas.
Haddaba,
waxaa aanu anaga oo badan qabsanay maanta(29/10/2005 Sabti) shir waxaanan shirkaa isla
meel dhignay in Madax
waynuhu uu cadeeyey warkiisa oo ah intaa uu qabtay oo aan aad
iyo aad ugu bogaadinayno uguna hambalyaynayno anay ay tahay
awoodiisu markaas
waxaan samaynay urur cusub oo caawimo ah oo dalkoo dhan anfacaaya ha u horayso
jidadka
caasimaduye iyo briiskuye ururkaa waxaan u bixinay Somaliland International Volunteer
Organisation oo loo soo gaabiyay
(SIVO) waana urur ah Dalkaaga wax u qabo oo ay ka qayb qaadan doonaan dhamaan
dadka reer soomaliland meelkasta oo
ay joogaan.. waana
muhiim in wadanka wax loo qabto.. siduu madaxweynuhuba inoosheeegay reer Ireterya
kama liidano..
marka qaabka uu u shaqayndoono waa laga baaraan dagayaa waxaana loo
doortay xoghaye guud oo ku meel gaadh ah.. taladayaduna
waxay tahay siduu madax
weynuhuba inoo sheegay is aaminaadii maadaba ay yaraatey inaan xidhiidh la yeelano
oo ay wakiiil
lacagta ka noqdaa musheekhda waaweeyn ee somaliland oo lagu diro lacagta
dahabshiil oo aan xidhiidh
la samayn doono kuna diri doonta lacagtaa free
musheekhdaa aan soo qaadnay waa sida
sheekh maxamed cumar dirir Maxamed Adan Mustafe sheekh Ismaciil
iyo inta la caana maasha ee taqwada iyo allla ka cabsiga lagu
ogyahay lana ogyahay inay lacagtu agtooda amaankutahay
waxna uguqabanaay sidii loogutalagalay..
hadaba waxaan idinla socodsiinaynaa irintaa cidii rabta inay ka qayb
qaadato inay la xiriiraan qoghayaha
guud oo ururka soo jeedinta taladiisa iska lahaa
aan anaguna u dooranay jagadaa si ku meelgaadh ah soona dhisaya gudida
fulinta iyo hirgalinta ururka
Hadaba Qof wal oo aqriyoow ogaysii walaalkaaga reer somaaliland ee jecel horumarka dalka
iyo dib u
dhiskiisa.
inta soomaliland joogta ee aan awoodin lacag waxaa laga rabaa xoogooda ku caawiyaan.
wabilaahi tawfiiq
SIVO Development