Somaliland International Volunteer Organisation (Sivo)

Diirada Dadweynaha
Home
Asaaskii Sivo Development
Astaanta Sivo Development
Our Purpose
Becoming a Member
Talo iyo Tusaale
Contact Us
Calendar of Events
Members Page
Newsletter
Links
Diirada Sivo Development
Diirada Dadweynaha

Halkan kala soco arimaha bulshada ee u baahan bayaaminta

Asalaama calaykum.

waxaa ii farxad ah inaan Maqlo warka ku saabsan Gudiga Cusub ee laga dhawaaqay dalka Sweden kuwaasoo oo doonaya inay kaw ka noqdaan dib u dhiska wadanka. Run ahaantii waa arin aad loogu farxo. Anigu Mudo sanad ka badan ayaan fikradan Qaban oo xataa aan sameeyay Qoraal ku saabsan sida aan u arko in dalka dib loogu dhisi karo gaar ahaan wadooyinka magaalada Hargaysa looga bilaabo. Waa fikrad aad qaali u ah oo keeni karta in isbadel wayn aan samayno oo halka aan aqoonsi dibadeed oo kaliya moodnay in horumarkeenu ku xidhan yahay inaan aamino in Inagu aan wax qabsano. Hadii aan Umadu iyagu isku tashan aqoonsi waxba kaligii ma qabto. Taiwan hadii ay Aqoonsi sugi lahayd maanta heerka ay gaadhay maysan Gaadheen. Boqolaal dawladood oo la aqoonsan yahay ayay ka horumar san tahay. Ree somaaliland waxqti badan ayaa ka lumay.

Hadii aan shaqo u dhaqaaqi wayno waxaan hubaa inaan xaga burburka usii socon doono ; waxaa wadankeena ka shaqayn doonta fikradaha ay wargaysyada qaarkood soo qoraan ee burburka, qabyaalada kala qaybinta iyo kalsooni daro ku kala abuurka dadka ree Somaliland.
Inaga waxaa inoo dan ah in dalkeena aan dhisano. Xukunka Cali Iyo Cumar kii doonaa ha hayee, qabiilka uu doono ha ahaadee. Ilayn kolay ninka madaxda ahi samada kama soo dagayo ee meel uun buu kasoo jeedaaye.
Qabyaaladina waa tusbax meel ay ku joogsato malaha. Kolba hoos uun bay usii socon.

Hadii hawshan daacad laga noqdo, oo ilaahay aan talo saarano waxaan shaki ku jirin inaan hadafkeena ku guulaysan karo.
.Bal waxaad ka warantaa hadii Hargaysadii aad ogaydeen markii dalka lagu soo noqday sida ay u burburtay hadii aan nidhaa waxaan sugaynaa inta la ina aqoonsanayo oo aynaan fardhaqaajineen. Maxaadse ku qiyaasi kartaan dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska magaalada hargaysa dawladeebaa caalamka lacagtaa inagu caawin lahayd. Waar hadaba hadii nin walba gurigiisii dib u dhistay, waxaa inoo hadhay dariiqyadii inoo dhexeeyaye aynu dhisano oo magaalooyinkeena qurxisano. Si dadka kale inoo ixtiraamaan. Carabtu waxay tidhaahdaa ninka isagu aan is ixtiraamin kuwa kalena ma ixtiraamaan. Waar inagu aan is ixtiraamno oo dalkeena aan dhisano.sidee dal ninkii lahaa uu hagranayo oo aanu doonaynaa cid aan waxba ka galin inoo dhisto!!!!!!
Tusaale kale ayaan idin siinaya. Hargaysa waxaa laga dhisay masaajidkii Oryatalka dib ayaa loo dumiyay oo waxa laga dhigay sadex dabaq waliba mudo gaaban ayaa lagu dhisay. Waxaa ku baxday lacag dhan 300,000$
Waxaa lacagtaa intaa le,eg lagu ururiyay mudo laba asbuuc aan ka badnayn oo dadkii masaajidkaa ku tukanayay ayaa bixiyay. Waar ma ree soomaliland dibad iyo gudo ayaan dhisan karayn dariiqyadooda

Anigu waxaan dejiyay barnaamij aan ugu tala galay dib u dhiska. barnaamijkaas waxaan dejiyay sanad ka hor laakiin markii aan dadka dalka aan ugu imid iyo sida aanay diyaar u ahayn ayaan niyad jabay, laakiin maanta waa nasiib wanaag hadii aan helay dad arintaa u diyaara oo aan fikirkayga ku daro.
Bal halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa Barnaamijka aan dejiay iyo sida aan markaa u arkayay in dib u dhis loogu samayn karo Jidadka magaalada Hargaysa.
kolay waa Ra,yigayga Gaarka ah. waxaa la heli fikrado ka fiican. arintaa waa in gudi loo sameeyo oo la isla rog rogo

asalaama calaykum
Ismacil Tukale
Hargaysa
TEL 521658
MOBILE 423303

Saturday, November 26, 2005
KULAN BALLAADHAN OO LAGAGA WADA HADLAY SIDII DIB- U- DHIS LOOGU SAMEYN LAHAA BIRIISHKA HARGEYSA


Kulan ballaadhan oo lagaga wada hadlayo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Briishkii magaalada Hargeysa ee dumay dabayaaqadii bishii April 2005, ayaa maalintii shalay lagu qabtay hotelka Handhwanaag ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Xukuumadu, waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aden Cusmaan, kan Hawlaha Guud Saciid Sulub, kan qorshaynta Axmed X. daahir, Gudoomiyaha Bisha ee Somaliland Cali Jirde, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland , Maayorka magaalada Hargeysa iyo Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa Cabdilaahi Cirro.
Dhinaca kale waxaa lagu marti qaaday oo goobta yimi dhammaan ganacsatada reer Somaliland , shirkadaha waaweyniyo culimada Diinta,moo aan u kala hadhin.

Ugu horeyn waxay isku duubka Madaxda Xukuumada ee Goobta abaabushay soo bandhigeen qorshadooda ay doonayaan inay dib u dhis ugu sameeyaan Biriishkaasi, kaasi oo ay tilmaameen, inay doonayaan in dadweynuhu, gaar ahaan Ganacsatada iyo Culimadu ay gacanta ku qabtaan, bacadaama aanay somalidu caado u lahayn aaminaada xukuumadaha,oo ay dahab-shiil account gaara ka furtaan, urursadaan hantidii lagu dhisi lahaa Biriishkaasi.

Waxaa kaloo ay ku yabooheen in sanadkan xukuumadu ugu dartay miisaaniyada lacag gaadhaysa 1.800.000$ ( hamillion iyo sided boqoloo kun oo dollar),taasi oo hawsha lagu bilaabi doono, iyadoo bay yidhaahdeen iminkaba ay socoto hawshii qiimaynta ahayd ( assessment) , taasoo qaadan doonta ilaa bisha Diisambar 2okeeda 2005, waxayna ka codsadeen in la sameeyo Guddi hawsha gasha.

Waxaa isaguna halkaasi ku hadlay magacii ganacsatada iyo Culimada, SH. Maxamed SH. Cumar Dirir, waxaana uu sheekhu farta kufiiqay qiimaha ay leedahay hawshani, balse waxauu codsaday in aanuu kulankani ahayn mid loo wada dhan yahay, ee raga qaarkii ka maqan yihiin, sidaasi darteedna , waxa uu soojeediyey in kulan labaad la qaban qaabiyo si deg deg ah, kaasna lagu dhiso guddigii hawsha qaban lahaa, bacdamaa uu kani yahay kii ugu horeeyeyna la soo derso hawsha, ee aanay kedis noqon.
Gebogabadiina waxaa laysla gartayu in kulan dambe laysugu soo noqdo si dhakhso ah, lana dhaqaajiyo hawsha,

Somaliland Future Online
Hargeysa

Posted by SomaliLand Future on 11/26 at 08:51 AM (0) Comments
News

Arima bulshada ee ururka ku sahaabsan

@Sivo Development  Scandinavian Sweden

© WebMaster
jamal.jpg